Ciidamada Booliska Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyey degmo katirsan gobolka Banaadir

Published: August 1, 2022
Shares100
Howlgal dad badan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Muqdisho

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgallo dad badan lagu qabqabtay ka sameeyay xaafado katirsan degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Howlgalllada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu baarayey guryaha xaafadaha ku yaalla degmadaas, sidoo kale gaadiidka iyo dadka socotada ah.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay taliyaha Ciidamada Booliska qeybta Waliyow cadde Mahad Axmed Cilmi ayaa ujeedkiisa lagu sheegay ka hortegida dadka lidiga ku ah Amniga, sda ciyaal weerada iyo Kooxaha Burcadda ah ee dhaca geysta.

Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxaa mararka qaar ay ka dhaca falal Amni darro kuwaas oo ay geystaan burcadda hubeysan iyo sidoo kale kooxaha ciyaal weerada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *