Ciidamada difaaca Puntland oo khasaaro xooggan gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab

Published: March 27, 2022

Ciidanka difaaca maamulka Puntland ayaa ka hortagay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku dayay in ay weerar ku soo qaadaan deegaanka Af-urur ee gobalka Bari, kuwaas wali lagu sii baacsanayo deegaanada fog ee buuraleyda ay ku dhuumaleysanayaan.

Argagixisada ayaa khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay dagaal kooban oo dhexmaray maray ciidanka difaaca Puntland iyo maleeshiyada, xilli uu weli socdo howlgalka.

Saraakiisha hoggaamineysa weerarka ayaa sheegay in ay tiro meydad ah oo kamid ah argagixisada ay daadsan yihiin agagaarka deegaanka Af-Urur, waxaana weli soconaya howlgalka sifeynta ah ee ay wadaan Ciidanka Puntland.

Maleeshiyaadka Al Shabaab ee ku dhuumaaleysta buuraleyda gobalada Bari iyo Sanaag ayaa marar hore sidan weeraro gaadmo ah ugu qaaday saldhigyada ciidamada difaaca Puntland ku leeyihiin dhulka buuraleyda ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *