Ciidamada Iran ayaa qabsaday markab xiriir la leh Israel

Published: April 13, 2024
Shares16

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa gacanka ku qabtay Sabtidii markab konteenar ah “xiriir la leh maamulka Sahyuuniyadda (Israa’iil)”, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, iyadoo xiisadda gobolka ay cirka isku shareertay.

Markab konteenar ah “waxaa qabtay ciidamada gaarka ah ee Sepah (IRGC) ee ciidamada badda iyagoo hawlgalkan u adeegsaday diyaarad helikobter ah,” wakaaladda wararka dawladda ee IRNA ayaa werisay.

Waxay intaa ku dartay in hawlgalku ka dhacay “meel u dhow marinka Hormuz” isla markaana markabkan loo jiheeyey dhinaca badda Iran.

Shirkadda markabka MSC ee fadhigeedu yahay dalalka Talyaaniga-Swiss, ayaa markii dambe xaqiijisay in Iran ay qabsatay. MSC waxay xaqiijisay in Markabkan magaciisa yahay Aries ay ciidamada IRAN oo wata diyaarad helikobter ku duldaateen xili uu marayey marin biyoodka Hormuz” subaxnimadii Sabtida.

Waxay sheegtay in 25 shaqaale ah ay saarnaayeen markabka ayna “si dhow ula shaqeyneyso mas’uuliyiinta ay khuseyso si loo hubiyo caafimaadkooda, iyo soo celinta markabka.”

Israa’iil ayaa ku tilmaantay “fal burcadbadeed ah” waxayna ka dalbatay dalalka EU-da inay ciidamada IRGC u aqoonsadaan “koox argagixiso” ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa si weyn loo hadal hayey in IRAN ay ka aargoosan doonto Israel weerarkii ay ku burburisay Safaarada iyo Qunsuliyadii ay ku lahayd caasimada Suuriya ee Dimishiq, duqeyntaasi oo lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Iran.

Horseed Media