Ciidamada PMF ee Ciraaq ayaa sheegay in saldhigooda la weeraray, Israel oo la tuhunsan yahay

Published: April 20, 2024

Qarax weyn oo subaxnimadii hore ee Sabtidii ka dhacay saldhig milatari oo ku yaal Ciraaq ayaa lagu dilay xubio ka tirsan ciidamada ammaanka Ciraaq, waxaana ku dhaawacmay askar kamid ah kooxada ay taageerto Iran.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in qaraxaas uu ahaa mid weerar ah, iyadoo ciidamadu ay sheegeen inay baarayaan, mana jirin wax diyaarad ah oo hawada ku sugnaa xilligaas.

Laba Sarkaal ayaa goor sii horreysay sheegay in duqayn cirka ah lala beegsaday saldhigaas, kaas oo lagu dilay xubin ka tirsan ciidamada Maleeshiyaadka Ciraaq ee (PMF) ayna ku dhaawacmeen siddeed kale. Saldhiggan milatari ee Kalso ayaa ku yaal qiyaastii 50km koonfurta magaalada Baqdaad.

Qoraal ay soo saartay kooxda PMF ayaa lagu sheegay in madaxa kooxdaasi Abdul Aziz al-Mohammedawi uu booqday goobta.

Milateriga Ciraaq ayaa sheegay in guddi farsamo ay baarayaan sababta keentay qaraxa iyo dabka ka dhashay saldhigga, kaasoo ay sheegeen inuu dhacay 1-dii habeenimadii Sabtida soo galeysay.

“Warbixinta taliska difaaca cirka ayaa lagu xaqiijiyay, in aysan jirin diyaarad aan duuliye lahayn ama diyaarad dagaal oo hawada lagu arkay kahor iyo intii uu qaraxu dhacayay,” ayay ciidamada Ciraaq ku sheegeen war ay soo saareen.

Weerarkaasi ayaa kusoo beegmay saacado kadib markii Israel la sheegay inay weerar fashilay ku qaaday saldhig militari ee duleedka magaalada Isfahan ee wadanka Iran.

Horseed Media