Israel oo diyaarado Drone ku weerartay IRAN

Published: April 19, 2024

Ciidamada Difaaca cirka ee IRAN ayaa arooryadii hore ee saaka oo Jimce ah soo riday dhowr diyaaradood oo ah nooca Drone-ka oo la rumeysan yahay inay leedahay Israel.

Weerarkan Drone-ka ee Israel ku qaaday IRAN ayaa illaa iyo hada la sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay.

Ciidamada Difaaca IRAN ee fadhigooda yahay Saldhiga Militariga ee magaalada Isfahan ayaa sheegay inay soo rideen 3 diyaaradood oo drone ah. Duleedka magaalada Isfahan ayaa waxaa ku taal xarunta ugu weyn ee Nukliyeerka Iran.

Waxaa muddo kooban la xiray hawada dalka Iran, iyadoo hakad kooban la geliyey duulimaadka, kadib markii heegan la geliyey ciidamada cirka ee Iran. Goordhaweyd ayaa dib loo fasaxay duulimaadka dalka Iran oo caadi dib ugu soo noqday.

Israel ayaan ka hadlin wararka saaka kasoo baxaya Iran, iyadoo Iran horey u sheegtay inay jawaab adag ka bixin doonto weerar kasta oo uga yimaada dhinaca Israel.

Xulafada Israel gaar ahaan Mareykanka ayaa ugu baaqay Israel inaysan weerar ku qaadin Iran taasi oo sare usii qaadi karta khatarta dagaal gobaleed ka qarxa Barriga Dhexe.

Warbaahinta Mareykanka ayaa saaka warineysa in xog ay ka heshay saraakiil ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada ee Mareykanka u xaqiijiyeen in Israel xalay ay ku wargelisay Mareykanka inay qaadi doonto weerar kooban 24 illaa 48 saac gudahood.

Iran ayaa Sabtidii lasoo dhaafay weerar culus ku qaaday markii ugu horeysay dhulka ay heystao Israel, iyadoo in ka badan 300 gantaal iyo diyaarado Drone ku weerartay saldhigyada ciidamada cirka ee Israel. Duqeyntaasi oo ay Iran uga jawaabeysay weerarkii 1-Abriil ay Israel ku qaaday Qunsuliyadooda Dimishiq, Siiriya.

Horseed Media