Iran oo Israa’iil ku weerartay gantaalo iyo Drones

Published: April 14, 2024

Iran ayaa xalay saqdii dhexe diyaaradaha aan duuliye lahayn iyo gantaalo ku weerartay Israa’iil, weerarkan oo ah kii ugu horeeyey oo taariikhda Iran si toos ah ugu weerarto dhulka Israel heysato.

Ciidamada Mareykanka iyo Jordan ayaa soo riday qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Gantaalada Iran oo soo dulmaray dalalka Ciraaq iyo Urdun (Jordan).

Dalalka Ciraaq, Lubnaan, Jordan iyo Kuwait ayaa xiray hawadooda.

Xulafada Iran ayaa sidoo kale weeraro ku qaaday magaalooyinka waqooyiga dhulka Israel heysato, iyadoo xaalad deg deg ah la geliyey guud ahaan dalkaasi oo laga maqlay meelo badan qaraxyo ka dhacay hawada sare, sida magaalada Qudus oo ay gantaaladaasi gaareen arooryadii hore ee saaka oo Axad ah.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya saacado kadib markii ciidamada Iran qabsadeen Markab ay leedahay Shirkad lala xariirinayo Israel.

Difaaca cirka ee Israel ayaa inta badan soo riday gantaalada gaaray hawada dhulkaasi, walow ay jiraan khasaaro soo gaaray qaar kamid ah saldhigyada Israel, inkastoo aan weli lasoo sheegin wax dhimasho iyo dhaawac ah.

Iran ayaa marar badan ku hanjabtay inay duqayn doonto Israa’iil si ay uga aargoosato weerarkii lagu qaaday 1-dii Abriil Qunsuliyadda ay ku leedahay Dimishiq.

Hogaanka sare ee Xukuumada Israel ayaa xalay ku sugnaa dhulka hoostiisa si ay uga gaashaantaan weerarkan, waxayna sheegeen inay ka jawaabi doonaan weerarka Iran.

Qoraal uu soo saaray Safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay oo saaka loo gudbiyey Golaha Amaanka iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayey Iran ku sheegatay weerarkan oo ay sheegtay inay uga jawaabeysay duqeyntii Qunsuliyadooda, balse aysan hada qorsheenayn weeraro dheeraad ah, hase-yeeshee ay markale jawaabi doonto hadii Israel sii wado daan-daansiga.

Warbaahinta Mareykanka iyo Israel ayaa warinaya in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo xalay kulan deg deg ah la yeeshay Golihiisa uu khadka telefonka kula hadlay Raysalwasaaraha Israel Netanyahu, isagoo sida la sheegay ku booriyey in Israel aysan qaadin tilaabo kale oo xaalada uga sii dari kareysa.

Mareykanka oo aan illaa iyo hada ku guuleysan inuu xakameeyo Netanyahu ayaa ka cabsi qaba inuu qarxiyo dagaal heer gobal ah, Netanyahu ayaa muddo dheer doonayey in uu weeraro Iran, isla markaana Mareykanka ku khasbo inuu dagaalkaasi soo galo, waxayna Israel sanado badan waday weeraro ay ku dileysay saraakiisha Iran iyo waliba Aqoonyahanada Nukliyeerka oo ay dishay lix kamid ah.

Horseed Media