Ciidamada Soomaaliya Oo AMISOM Kala Wareegay Amaanka Afgooye

Published: March 25, 2021

Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta mas’uuliyadda amniga ee degmada Afgooye kala wareegay ciidamada AMISOM ee howlgalka Midowga Afrika, kadib markii xaflad lagu maamuusaayo munaasabaddaasi lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose,

Xafladdaasi waxaa ka qeybgalay, saraakiil uu kamid yahay taliyaha ciidanka dhulka, janaraal Maxamed Tahliil Biixi, ku-xigeenka taliyaha AMISOM, taliyaha qeybta 12ka Abril ee xoogga dalka iyo mas’uuliyiin kale

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii tababar iyo qalabeyn loogu sameyn lahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed si ay ula wareegaan mas’uuliyadda ammaanka dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *