Ciidamada Xoogga dalka oo howlgalka ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay gobolka Baay

Published: September 10, 2022
Shares34

Ciidamada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan gobolka Baay ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ka sameeyay degaano hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed G/Sare Ibraahim Tifow iyo Taliyaha Guutada 8aad Qeybta 60-aad ayey si gaar ah ciidanka uga fuliyeen deegaanada kala ah Saydheelow iyo Goof-gaduud Buureey oo dhammaan hoostaga magaalada Baydhabo.

Saraakiisha ayaa Ujeedka howlgalkan ku sheegay inuu yahay sidii loo ciribtiri lahaa Ururka Al-shabaab ee mararka qaar sida dhuumaaleysiga ku yimaada deeganadaas.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *