Ciyaarta Horyaalka Asia ee Saudi-Iran ayaa la baajiyay kadib xiisad ka dhalatay Sanabka Suleymaani

Published: October 3, 2023
Shares46

Ciyaar kubadda cagta ah oo dhexmari lahayd xulalka Sacuudiga iyo Iran ee ka tirsan tartanka Champions League ee qaaradda Asia ayaa la joojiyay, ka dib markii albaabka garoonka laga soo galo la dhigay taallo ama sanabka Jeneraalkii Maraykanka dilay ee Qasim Suleymani ee hogaamin jiray ciidamada Jamhuuriga Iran.

Sawirrada lagu faafiyey baraha bulshada ayaa muujinaya sanabka Suleymani oo la dhigay albaabka garoonka kubbadda cagta, goobta ay soo marayaan ciyaartoydka markii ay kasoo baxaan qolka labiska oo ay soo galayaan garoonka.

Ciyaartii Isniintii shalay la qorsheenayey inay dhexmarto kooxda Al Itixaad ee Sucuudiga iyo Sepahan ee Iran ayaa dib loo dhigay ka dib markii ay kooxda Sucuudigu diideen in ay ka baxaan qolka labiska ee garoonka Naghsh-e Jahan Stadium ee magaalada Isfahan ee dalka Iran.

Suleymani oo taliye u ahaa qaybta hawlgallada shisheeye ee Ciidamada Jamhuuriga Kacaanka Iran, ciidankeeda gaarka ah ee Qudus – ayaa door weyn ka ciyaaray hagida hawlgalada Iran ee Bariga Dhexe dhowr iyo toban sano ka hor inta aan lagu dilin magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, duqayn cirka ah oo uu fuliyey Mareykanka bishii Janaayo 2020.

Horseed Media