Croatia oo Brazil ka reebtey ciyaaraha adduunka, una dirtey gurigoodi.

Published: December 9, 2022
Shares420

Ciyaar aad u xiiso badan ee dhamaadka wareega sideeda ciyaaraha adduunka ee ka socda dalka Qatar waxaa caawa isku arkey xulalka kubadda cagta ee dalka aadka u yar ee Koroaatiya iyo dalka dhaqanka u leh kubadda cagta ee Baraasiil.

Labadii qaybood ee ciyaarta ayaa ku dhamaatey bar-bardhac, waxaana loo baahdey in lagu daro 30 daqiiqo. Dhamaadkii 15-kii daqiiqo ee hore ee dheeraadka ahayd ayaa xiddiga reer Baraasiil ee Neymar Jr waxa uu dhaliyey gool aad u qurux badan oo uu ka soo shaqeeyey, taas oo nooleysey rajadii Baraasiil oo kamid ah kooxaha sida weyn loo rajeynaayey in ay koobka qaadaan.

Dhamaadkii ciyaarta ayey u suurta gashey Koroeeshiya in ay keenan goolkii bar-bar dhaca, waxaana ciyaartii dheeraadka ahaydna ku dhamaatey 1:1.

Rigoorayaal ayaa loo dhigey labada kooxood, Koroeeshiya waxay dhaliyeen afar ka mid ah 5 tii rigoore, halka Baraasiil ay cuneen laba rigoore waxayna daliyeen laba rigoore oo keliya.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatey 5:3, waxaana u gudubtey wareega Semifinaka kooxda ka socota dalka yar ee ku yaala Balkanka ee Koroeeshiya, waxaa xusid mudan in sanadkii 2018 Koroeeshiya ay gaareen Finalka, iyaga iyo kooxda kale ee Faransiiska.

Baraasiil ayaa ku biireysa kooxaha waaweyn ee sanadkan laga xasuuqey ciyaaraha adduunka sida, Jarmalka, Spain iyo kuwo kale.

Horseed Media