Cumar Cabdirashiid “Qof Mansab uu ku joogo aan la garanayn hadana ciidan adeegsanaya fasiraad nooce ah ayuu leeyahay”

Published: March 24, 2021

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke kana mid ah Senetarada aqalka sare ee Soomaliya ayaa eedeyn kulul hawada u mariyay madaxda xiligan ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay mid kamid warbaahinada Baraha Internetka ayuu ku sheegay in wixii ka dambeeyay 2017-kii uu dalka gacanta u galay siyaasiyiin aan dalka joogin 1988 ilaa 1994-kii dhibaatada xiligan Soomaaliya haysatana ay qeyb ka tahay.

“Dhibta taagan waxa weeye 2017 hogaanka dalka waxa uu gacanta u galay dad aan dalka joogin 1988 ilaa 1994 ,xitaa ku dar Golaha wasiirada waxba kama oga wixii la soo maray ,waxaan isleeyahay halka laynaga haysto waa meeshaas”

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Maxaad ku fasiraysaa qofka aan la ogeyn ilaa iyo hada waxa uu ku joogo oo maanta ciidan u adeegsanaya dad mudahaaradaya oo weliba ay kujiraan masuuliyiin hore.

Waxa uu xusay inuu hayo saxiixyada dhismaha ciidanka masuuliyiinta xilku ka dhamaaday ee dowlada Federaalka ay sheegaan in ay dhiseen haday suurtogal noqotana uu soo bandhigi karo isagoo hadalkiisa sii raaciyay in xiligii uu ahaa Ra’iisul Wasaare dowladii kumeelgaarka uu galay heshiisyada dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa kusoo aadaya xili xasarado iyo khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay dalka oo ku aadan habka loo wajahayo doorashooyinka dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *