Dad shacab ah oo ku dhintay qarax ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Baay

Published: September 11, 2022
Shares110

Qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Ceeldheere oo ka tirsan gobolka Baay.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa haleelay Mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah, waxaana Inta la xaqiijiyay ku geeriyooday hal qof, halka ay dhaawacmeen labo kale oo kamid ahaa dadkaasi shacabka ah.

Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo goobta gaaray ayaa qaaday Dadka dhaawacmay waxaana ay u gudbiyeen Degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Laamaha Amniga iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Baay oo ku aaddan qaraxaas, iyadoo dhowr jeer wadada xiriirisa degnaaka ceeldheere iyo degmada Bardaale ay ka dhaceen qaraxyo ay waxyeelo kasoo gaartay dad Shacab ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *