Dagaal culus oo markale ka bilowday duleedka magaalada Laascaanood

Published: March 26, 2023

Dagaal culus ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay saddex jiho oo kamid ah duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka SSC.

Jihada Galbeedka iyo aaga Isku dhoonka; oo ah buuraley ku dhaw magaalada ayay ciidanka Somaliland u suuragalin in ay soo gaaraan, iyagoo doonayay in ay goobahan qabsadaan.

Ciidamada deegaanka ayaa xaqiijiyay in ay goobihii duulaanka laga soo qaaday qabsadeen, sida ay sawiro laga soo qaaday ay muujinayaan.

Dhinaca barriga magaalada ayaa wali uu ka socdaa dagaal xoog leh, aagaas oo ay Somaliland geysay Taangiyo dagaal goor dhaw, si ay culeyska uga dajiso difaacaas oo dagaal xoogan ka socdo wali.

Somaliland ayaa ku eedeysay waxay ugu yeertay Huwan is biirsaday in ay weerareen ciidamadooda, waxayna sheegeen in ay iska difaaceen weerarkaas.

Guddiga sare ee SSC-KHAATUMO ayaa ku eedeeyey Somaliland in ay weerar 2 jiho ah kusoo qaaday magaalada Laascanood oo ay joogaan Isimadda dhaqanka ee SSC, Ergo-nabdeedna ay berri kusoo wajahan tahay.

Horseed Media