Dalalka Burkina Faso iyo Mali oo ka digay in ECOWAS weerarto Niger

Published: August 1, 2023
Shares4

Burkina Faso iyo Mali, ayaa ka digay faragelin kasta oo militari oo ka dhan ah Niger, iyagoo ku goodiyey inay u arki doonaan duulaan lagu soo qaaday dalalkooda, digniintan oo timid kadib markii Urur Gobaleedka Afrika ECOWAS uu hal asbuuc u qabtay militariga Niger inay xilka kusoo celiyaan dowladii rayidka.

Wadamadan jaarka la ah Niger oo iyagu laftooda hada ka taliyaan militariga xukunka awood kula wareegay ayaa ka cabsi qaba in urur gobaleedka ECOWAS dhaqan geliyo hawlgalada militari ee iyaga saameyn kara mustaqbalka.

Labadan dal ayaa sidoo kale sheegay inay kasoo horjeedaan cunaqabataynta ay ku sheegeen sharci darrada ee ECOWAS saartay wadanka Niger.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Chad oo booqasho ku tagay shalay dalka Niger ayaa sheegay inuu waan waan wado, isagoo la kulmay Madaxweynihii la inqilaabay iyo taliska Militariga awooda la wareegay.

Horseed Media