Dalalka Gaashaanbuurta NATO oo maanta shir uga furmaayo Madrid

Published: June 28, 2022
NATO
Shir doceed yar waxaa looga hadli xubinimada Sweden iyo Finland

Shirweynaha guud ee NATO ayaa maanta oo Salaasa ah ka furmaaya magaalada Madrid ee dalka Isbayn, Shirkan ayaa ah mid leh muhimad gaar ah tan iyo shirkii NATO ee sanadkii 2010 ee lagu dhisey (The 2010 Strategic Concept ) magaalada Lisbon ee dalka BurtiqiiskaSh

Waxaa shirkan lagu jaangooynayaa istraatiijiyadda cusub ee gaashaanbuurta NATO, maadama dunidu gashey xaalad khatar ah oo isbeddel ku yimid nabadgelyada caalamka oo dhan.

Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in shir madaxeedka Madrid ee todobaadkan lagu heshiin doono isbadelka ugu muhiimsan ee isbahaysigu sameeyo muddooyinkan, ciidamada diyaarka ah markasta ayaa la gaarsiin doonaa 300,000 inay ka jawaabaan duulaanka Ruushka ee Ukraine, horey waxay u ahaan jireen ciidanka diyaarka ah 40, 000 oo askeri oo keliya.

Ajandayaasha ugu waaweyn ee shirka waxaa kamid ah, ansixinta xubinimada ay soo codsadeen labada dal ee Sweden iyo Finland ee isku sidkan, si loo oggolaado in dalalkaasi xubin ka noqdaan NATO waxay u baahan yihiin in 27 dal ee ku bahoobey u codeeyeen HAA, laakiin waxaa diidan Turkiga oo fursado kale ka dhex raadinaaya.

Shir doceed waxaa isla maanta isku arkaayaa Madaxweynaha Finland Sauli Niinisto, raysalwasaaraha Sweden Magdalena Andersson iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Erdogan, waxaa shirka qayb ka noqonaya Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg, shirkan ayaa lagu wadaa in xal laga gaaro dooda Turkiga ee uu ku diidan yahay Sweden in ay xubin ka noqoto NATO.

Dagaalka Ruushku ku qaadey Yukrayn ayaa sabab u noqdey in dalka Sweden iyo Finland oo horey aan xulafo uga mid ahayn in ay NATO u galaan, dalalka Maraykanka iyo Ingriiska ayaa ballanqaad siiyey dalka Finland in ay difaacayaan haddii Ruushku dagaal ku soo qaado, Finland waxay xuduud dheer la wadaagtaa Ruushka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *