Danjiraha Sweden ee Soomaaliya oo la kulmey raysalwasaaraha

19 October, 2023

Danjiraha cusub ee Sweden dalka fadhiya Joachim Waern ayaa maanta xafiiskiisaku booqdey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda…

Joachim Waern

Danjiraha cusub ee Sweden dalka fadhiya Joachim Waern ayaa maanta xafiiskiisaku booqdey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

War ka soo baxay xafiiska raysalwasaaraha ayaa lagu sheegay in labada masuul ay ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah.

Telefishanka SVT ee dalka Sweden ayaa dhawaan shaaciyey in dalka Sweden oo mucaawanada uu siinjirey Soomaaliya ku xirey dib u celinta qaxootiga Soomaalida.

Joachim Waern ayaa maalintii shalay waraaqihiisa aqoonsiga waxaa ka guddoomey Madaxweyne Xasan Sheekh.,

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, waxuuna ku booriyey dowladda Sweden in ay gacan ka geysato qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda, sida xasillinta deegaannada laga xoreeyey argagxisada.

Horseed Media