Degmada Qardho oo soo dhaweesay wafdi ka socda Hay’ada Dawlada Hoose ee Holland

Published: March 22, 2022

Gudoomiye ku xigeenka degmada Qardho Mudane Maxamuud Maxamed Ciise, Saraakiil iyo hawl-wadeeno ka tirsan dawlada hoose ee degmada Qardho ayaa soo dhaweeyay wafti balaaran oo ka socday Hay’ada Dawlada Hoose ee dalka Holland ee loo yaqaan VNG International Somalia.

Ujeedada socdaalka waftiga ayaa salka ku hayay u kuur-galida habka uu u shaqeeyo xafiiska dawlada hoose, kormeerka goobaha laga bixiyo adeegyada bulshada, daraasaynta baahiyaha jira ee dawlada hoose ee Qardho ay doonayso in wax lagala qabto iyo arimo kale oo ay ugu horeeyaan horumarinta adeegyada bulshada sidda biyaha, waxbarashada iyo dhismaha goobaha muhiimka ah.

Maxime oo ah madaxa hay’ada VNG International Soomaaliya ayaa madaxda iyo gudoonka degmada Qardho ku amaanay hawsha wanaagsan ee ay hayaan, waxa uuna balan-qaaday in ay waxqabad muuqda degmada ka hirgelin doonaan sidda ugu dhaw.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Qardho maxamuud Maxamed Ciise ayaa dhankiisa uga mahad-naqay waftiga booqashada ay ugu yimaadeen, waxa uuna xusay in maamulku uu diyaar u yahay in si dhaw uu ulla shaqeeyo hay’ada VNG International.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *