Published: March 19, 2022
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/03/Deni-xildhibaanadacusub-Garowe-190322-1-1080x720.jpg)
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaanada cusub ee Puntland ku metelaya labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/03/Deni-xildhibaanadacusub-Garowe-190322-2-1080x720.jpg)
Jimcihii shalay ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Garowe doorashada Xildhibaanadii ugu danbeeyey.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/03/Deni-xildhibaanadacusub-Garowe-190322-3-1200x704.jpg)
Xildhibaanada Puntland laga soo doortay ayaa gaaraya 48 xildhibaan oo 37 kamid ah ay yihiin xildhibaanada Golaha Shacabka, halka 11 xildhibaan loo doortay Aqalka Sare.