DF iyo DG oo iska kaashanaya dhameystirka diiwaangelinta mideysan ee Bulshada

Published: November 4, 2021

Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Shaqada Dawlad gobolleedyada Dalka ayaa Muqdisho ka furay shir wada tashi ah oo ku saabsan iskaashiga dhamaystirka diiwaanka mideysan.

Wadatashiga ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xog keydiyaha barnaamijka baxnaano, iyadoo hannaankan ay Dawladda maamuleyso uu gacan ka geysanayo in si midaysan hal meel loogu hayo macluumaadka dadka la caawinayo ee dhammaan mashaariicda socota, taasoo sahlaysa isu-duwidda iyo waxtarnimada mashaariicda, isla markaana dawladdu si hufan ugu adeegto muwaadiniinteeda.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulanka ka sheegay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Dawladda wakiil uga ah hannaankan in looga baahan yahay dhammeystirka diiwaanka bulsho iyo xog-keydiyaha.

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada , Puntland , Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Wasiir ku-xigeenka Koonfur Galbeed , ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay inay ka go’antahay dhammeystirkan nidaamka xogta Bulshada iyo hirgalinta siyaasadda Arrimaha Bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *