Dhulgariir xoog leh ayaa ka dhacay meel ka baxsan magaalada Marrakech ee koonfurta Morocco goor dambe oo habeenimadii Jimcaha, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. Ugu yaraan 820 qof ayaa ku dhintay 672 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi.
“Sida lagu sheegay warbixin ku meel gaar ah, dhulgariirku wuxuu ku dhintey 820 qof gobollada iyo degmooyinka al-Haouz, Marrakesh, Ouarzazate, Azilal, Chichaoua iyo Taroudant,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.
Dhulgariirkan oo cabirkiisa lagu sheegay 6.8 ayaa dhacay wax yar kadib 11:00pm habeenimo xilliga dalkaasi, waxaana uu ka dhacay inta u dhaxaysa magaalada Marrakech iyo magaalo xeebeedka Agadir ee Koonfur Galbeed ee dalka Morocco.
Tirada dhimashada ayaa kor u kacaysa marba marka ka danbeysa. Ugu yaraan 820 qof ayaa ku dhintay in ka badan 672 qofna waa ay ku dhaawacmeen dhulgariirka, sida uu sheegay TV-ga dowladda ee Morocco, isagoo soo xiganaya wasaaradda arrimaha gudaha. Dhimashada iyo dhaawaca ayaa marba marka ka danbeysa kor u kacaysa, dadka ayaa laga soo saareyaa burburka dhismayaasha.
Dhismayaal dhowr ah ayaa ku dumay magaalada Marrakech dadkuna waa ay ka qaxeen guryahoodii waxay isugu soo baxeen waddooyinka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Gariirka dhulgariirka ayaa sidoo kale laga dareemay magaalooyinka xeebta ah ee Rabat, Casablanca iyo Essaouira. Waana dhul gariirkii ugu xooganaa ee dalkaasi ku dhufta muddo 120 sano ah, sida ay sheegtay hay’adda Sahanka dhulka ee Maraykanka ee loo soo gaabiyo USGS.
Horseed media