Diyaarada Air Jabuuti Oo Shil Ku Gashay Garoonka Diyaaradaha Garoowe

Published: December 2, 2020

Diyaarad ay leedahay Shirkadda Air Jabuuti, ayaa saaka shil ku gashay garoonka diyaaradaha Garoowe, kadib markii cillad ku timid ay keentay inay ran-wayga ka baxdo.

Diyaarada ayaa inta aysan soo cago dhigin waxaa la arkayay iyadoo sii deynaysay uuro, kadibna waxay si hal haleel ah ugasoo dagtay garoonka Garowe.

Gaari dab damis ah oo garoonka uu lahaa oo loo baahday ayaa la arkayay isagoo ciladaysan oo garoonka dhex yaalla, taasoo fadeexad ku noqotay masuuliyiinta garoonka.

Dhanka kale waxaa xanniban duullimaadyada garoonka diyaaradaha Garoowe, maadaama ay diyaaraddu dhex taallo dhabbaha Ran-wayga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *