Dowlad Goboleedyada oo loogu baaqay in ay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka

Published: November 2, 2021

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa war saxaafadeed ay soo saareen bogaadiyay bilaabashada Doorashada Gollaha Shacabka oo maanta oo ay taariikhdu ahayd 1- Nofember-2021 la doortay labadii (2) xildhibaan ee ugu horeeyey ee Gollaaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer fedaraal waxa ay u mahad celiyeen Ra’iisal Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Roobleh oo dadaal xoogan galiyay qabsoomida Doorashada Gollaha Shacabka.

Waxa kale oo ay u mahad celiyeen guddiga maamulka doorashada kuraasta Somaliland (SEIT).Sidoo kale Guddigu waxay ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka soomaaliya iyo guddiga maamulaya kuraasta banaadiriga in ay bilaabaan Doorashada Gollaha Shacabka, si looga gudbo marxalada kala guurka ah ee wadanku jiro.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *