Dowlada Federaalka oo Faragelin shisheeye uga digtay Wakiilada Beesha Caalamka

Published: March 24, 2021

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cismaan Abokar Dubbe oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa uga digay wakiilada dalalka caalamka in ay farageliyaan arimaha gudaha ee Soomaaliya

Wasiirka ayaa tilmaamay in qoraallo ay soo saareen danjireyaasha shisheeye qaarkood ay ka baxsan yihiin shuruucda iyo curfiga diblumaasiyadeed, isagoo xaqiijiyey in dhaqanka noocaas ah aysan aqbalayn shacabka iyo dowladda Soomaliyeed.

“Waxaa jira Danjirayaal mararka qaar u soo dira dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed fariin aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah iyo ixtiraamka ,kana soo horjeedda ixtiraamka madax bannaanida dalalka, ku xadgudubka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa khad cas oo aan laga gudbi karin.”

Wasiir Dubbe

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in danjireyaasha ka howl-gala Soomaaliya looga baahan yahay ilaalinta madaxbannaanida iyo Qaranimada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

“Dalalka caalamka waxaannu ka filaynaa inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo wadajirka bulshada caalamka. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal leh madax-bannaani buuxda, arrimaheeda guddahana waa lama taabtaan”.

Wasiir Dubbe

Mar uu ka hadlayay shirka maalintii Sadexaad xerada Afisyooni uga socda madaxda dowlad goboleedyada qaar iyo dowladda Federaalka ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka ayna qaataan doorka iyo masuuliyadda qaran ee ka saaran sii ambaqaadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Wasiir Dubbe ayaa imaanaya iyadoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay qoraalo iyo baaqyo isdaba joog ah soo saareen wakiilada dalalka Caalamka u fadhiya Soomaaliya kuwaasoo loogu baaqayay madaxda Soomaalida in ay si shuruud la’aan ah u galaan wadashati lagu soo afmeerayo khilaafka arimaha doorashooyinka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *