Dowlada Puntland Oo Go’aamo Kasoo Saartay Shaqaaqadii Isku-shuban

Published: January 15, 2021

Guddi wasiiro ah oo uu hoggaaminayo wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan oo ay kamid yihiin wasiirka hawlaha guud Axmed Bashiir Muuse, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Axmed Taaraan, iyo Wasiiru-dawlayaasha wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Dekadaha oo ku howlanaa shaqaaqadii maalmo kahor ka dhacday deegaan hoostaga degmada Iskushuban ayaa soo saaray go’aamada kala ah:

1- In nabadda si dhamaystiran u dhaqan galiyaan labadii belood ee dirirtu dhexmartay.

2- In maleeshiyo beleedyadii soo gurmaday dhammaantood ay ku noqdaan deegaanadii ay ka yimaadeen.

3- In magaalooyinka, ceelasha, dooxooyinka, dhulka daaqsinka iyo wadooyinkaba si nabadgalyo ah loogu wada noolaado.

4- In dooxadii shaqaaqadu ka bilaabatay aysan tagi karin dibna ugu noqan karin labada beelood, gacanta dowladana ay ku jirayso ilaa amar danbe.

5- In uu noqan doono shirka lagu soo afjarayo colaadan inta u udhaxaysa 01/02/2021 – 10/02/2021, dowlduna dib kaso shegayaso maalintu shirkaasi furmi doono iyo goobta lagu qabanayo.

6- Ciddii dhaqan galinwayda go’aamada dowladda oo hareer marta heshiisyada nabadda waxaa laga qaadayaa tallaabo ku haboon.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka labada beelood ayaa soo dhaweeyay qodobada iyo dadaalka dowlada ku xalinayso shaqaaqadan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *