Dowlada Soomaaliya Oo Ka Digtay Dabaylo Kusoo Wajahan Magaalo-xeebeedyada Dalka

Published: July 19, 2020

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa digniin kasoo saartay dabaylo ku socda xawaare sare oo kusoo wajahan inta badan magaalo xeebeedyada dalka.

Dabayshan ayaa la saadaalinayaa in ay bilaabato saacadaha soo socda, iyadoona ku wajahan magaalooyinka xeebaha sida Kismaayo, Af-madoow, Jamaame, Badhaadhe, Marka, Baraawe iyo degmooyin kale.

Waxayna ugu baaqday kaluumaystada iyo dadka degan goobaha u dhow-dhow xeebaha inay ka digtoonaadaan halis uga karta iman karta dabayshaas.

Wasaaradda ayaa sheegtay dabaylihii sida caadiga ah u dhici jirey xiliga xagaaga inay tani ka xoog badan oo ay sababi karto khasaare hantiyadeed.

Hoos ka akhriso digniinta:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Waan ka helay sidaad warka usoo tebisaan wararka kale kuma kalsooni kuma qabi waxaan u dhageeystaa si leygo sheegin beentooda waxaad u qbateen ummada wada siyaasiinta qaldan shaqo fiican oo ay idinkula dagaalamaan shaqdiina sidaas ku sii wada waad guuleeysan doontaan war run ah baad sheegtaan.

  2. Dalku ma jamaame baraawe badhaadhe miyaa waqooyi bari dabaylaha ka dhacaya dalka ka mid maaha miyaaa
    Ku waas o halis Ku haya dadka iyo dunyadaba
    Koofiri ma ogola nidaamka federaalka ta ha LA ogaado