Dowladda Federaalka oo ka aamusan hawlgalka hotel Xayaat 24 saacadood kadib

Published: August 20, 2022
Hotel Xayaat

Weerarka xalay ay al-Shabaab ku qaadeen Hotel Hayaat ee magaalada Muqdisho ayaa galay habeenkii labaad. Taliyaha ciidanka nabadsugidda Mahad Maxamed Salaad ayaa goobta yimid 24 saacadood kadib, waxaana uu amar ku bixiyey in Hoteelka oo dhan dhulka la dhigo.

Waa weerarkii ugu dheeraa ee muddooyinkan Muqdisho ay ka fuliyaan al-Shabaab, horey waa u dhacdey in ay Hotel qabsadaan laakiin muddo kooban kadib hawlgalka waa la soo afjari jirey.

Maxaa keenay in hawlgalku dheeraado?

Sida ay sheegayaan qaar kamid ah dadka arrimahan sida dhaw ula socda, qorshaha al-Shabaab ee Hotelkan ma ahayn wax iska yimid oo soo boodey ee waa qorshe muddo ay dejinayeen oo diyaarsanaa.

Hotelka waxaa gudaha u soo galey ilaa 18 nin oo dharcad ahaa iskana dhigey in ay yihiin cunno u soo doonteen, sida ay sheegayso mid kamid ah taxliilaadka ku gedaaman arrintan. Sidoo kale waxaa Hotelka ka socdey shir beeleed, lama oga in ay shirkaas isku soo dareen oo iska dhigeen kuwo qayb ka ah.

Kooxda weerartey waxaa caawiyey ilaa saddex gaari oo laba kamid ah lagu soo xirey waxyaabaha qarxa, banaankana lagu qarxiyey, halka kan saddexaad uu ahaa midkii u wadey hubka iyo waxyaaabaha qarxa oo uu gudaha u galay Hotelka xiligii qaraxyada kadib.

Tirada badan ee argagixisada al-Shabaab ee Hotelka galey ayaa keenay in ay awood u yeeshaan in ay muddo dheer ka dagaalamaan Hotelka, suidoo kale waxaa u sahley in hawlgalku dheeraado isku dhexyaaca ciidanka oo laba jeer la kala baddalay cidda fulinaysa hawlgalka.

Dowladda oo aan weli ka hadlin

Ilaa hadda ma jirto wax official ah oo dowladda ka soo abxay, ma jirto meel dadka ehelka ah ay kala socdaan xaaladda dadkooda, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Madaxweynaha iyo rayalwasaaraha, mana muujin wax midnimo iyo solidarity ah, arrintan oo ugub ku ah siyaasadda qaraxyada deriska la ah ee Muqdisho.

Waxaa hadda oo saacadu tahay 8:30pm socda hawlgalka lagu burburinaayo hotelka oo dhan kaas oo lagu garaacayo hub culus.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *