Deg Deg: Dowladda Soomaaliya oo dalka ka ceyrisay kuxigeenka Midowga Afrika

Published: November 4, 2021

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amartay in muddo todobo maalmood gudaheed uu dalka uga baxo Kuxigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arimaha dibadda ayaa warqadda ‘Personal Non-grata oo ah dalka-lagaama-rabo loogu jaray masuulkan.

Waxa ay ku eedeysay in uu faraha kula jiro howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda Amniga guuud ee Qaranka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Ninkan siman mulongo waa nin ku sifoobay inuu soo dhafo xandaabkii shaqo ee  hawlgalada midowga afrika taas oo aheyd ineey ahayeen ciidan ku meelgaadh ah inta laga heliyo ciidan somaliyeed oo amaanka dalka si toos ah ula wareega.

    Waa nin ku caan baxay inuu been ka sheego awooda ciidanka xooga dalka somaliyeed oo maanta dhismay kana baayac mushtiro inuu gudbiyo sirtooda.

    Waa nin ku caan baxay inuu isku diro madaxda dalka u sareysa, isagoo war kutiri ku teena u kala qaadi jirey.

    Waa nin ugu goodin jirey ganacsatada somaliyeed qaar ka mida ineey lacag madax furasha siyaan hadii kale inuu magacooda u gudbin doono  hayadaha awooda u leh ineey magacooda ku daraan  diiwanka cunaqabeynta dadka ururada argigixisada gacan saar la leh.

    Siman mulongo Caydhintisa iyo matt bryden oo maxkamada gobolka banadir dhawaan ku xukuntay 5 sano oo xadhiga waxeey tusaale u tahay iftiinka dawladnimo ee maanta inoo baxaya.