Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay agab ciidan oo ay ku deeqeen Shiinaha

Published: March 18, 2022

Wasiirka Gaashaandhiga Dawladda Federal-ka Soomaaliya, Cabduqadir Maxamed Nur ayaa ka gudoomay safiirka Shiinaha u fahiya Soomaaliya, Ambassador Fei Shengchoa kaalmo militari oo isugu jira gaadiid, Ambalasyo, iyo qalab kale oo ah kuwa lagu baaro miinada .

Xafladdii la wareegidda qalabkaasi oo ka dhacday dekaddda Muqdisho,waxaa kaloo ka qeybgalay madax ka socotay maamulka ciidamada .

Wasiirka ayaa sheegay in taageeradan ay timid wakhti munaasib ah marka loo eego dagaalka dawladda kula jirta kooxaha argagixisada sida Shabaab, ayna u adeegsan doono hawl-galada ka dhanka ah kooxaahaas.

“Waxan halkaan kula wareegayna kaalmo militiri oo aad iyo aad muhiim noogu ah in aan helno si aan u kordhino dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, Waxa aan uga mahad-celinaya dawladda iyo shacabka Shiinaha oo noogu deeqay taageradan, labada dal waxaa ka dhaxeeya xiriir walaalnimo oo soo jireen ah”, Nur ayaa Sidaa yiri

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *