
Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya ayaa shaacisey in la furaayo duulimaadkii gudaha.
Wasaaradda Duulista ayaa samaysey shuruuc cusub oo la raacayo kaas oo lagu xakameynaayo cudurka COVID-19 shuruucdaas oo la doonaayo in shirkadaha duulista iyo dadka rakaabkan ahba ay u hoggaansamaan.
Wasaaraddu wax awood ah uma lahan in ay furto duulimaadka dibadda, waana mid ku xiran dalal kale iyo shirkado ajnebi ah.
Duulimaadyada ayaa la joojiyay dabayaaqadii Maarso si ay dowladdu u xakameeyso faafitaanka cudurka coronavirus, laakiin fasax gaar ah ayaa la siiyay duulimaadyada xaaladaha degdegga ah gaar ahaan kuwa sida daawada iyo cuntada.
Horseed Media