Emmanuel Macron: Dugsiyadu waa in aanay aqbalin ardayda xiran cabayad

Published: September 2, 2023

Ardayda Faransiiska looma oggolaan doono inay galaan iskuullada haddii ay yimaadaan iyagoo xiran dharka dhaa-dheer ee cabbaayada, ayuu madaxweyne Emmanuel Macron ku dhawaaqay maalintii Jimcihii.

Wasiirka waxbarashada ee Faransiiska Gabriel Attal ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in la mamnuuci doono dharka dhaadheer ee loo yaqaan Cabbaayada ee inta badan ay xirtaan dumarka iyo gabdhaha muslimiinta iyo Khamiista oo ay xirtaan ee wiilasha iyo ragga Muslimiinta ah – marka uu bilowdo sanad dugsiyeedka cusub.

Madaxweyne Macron wuxuu hadda sheegay inay “ogyihiin inay jiri doonaan kacdoon” oo ardaydu ka soo horjeesan doonaan sharciga. laakiin ma awoodi doonaan inay galaan fasallada. Waxa uu carabka ku adkeeyay in “aysan sinaba u aqbali doonin”.

Haddii loo baahdo, “shaqaale gaar ah” waxaa loo diri doonaa dugsiyada si ay u caawiyaan maamulayaasha iyo macalimiinta oo ay la sameeyaan doodaha ardayda iyo qoysaska, ayuu yiri Macron.

Sharci soo baxay bishii Maarso 2004 ayaa mamnuucay ” xirashada calaamadaha ama labbiska ay ardaydu si muuqata ugu muujiyaan diintooda” waxaaka mid ah iskutallaabyo waaweyn sida Saliibka, kippaska ama koofiyadda Yuhuudda iyo xijaab Islaami ah.

Waxaa durba canbaareeyey qorshahan qaar kamid ah hoggaamiyaasha mucaaradka. Clementine Autain oo ka tirsan xisbiga mucaaradka garabka bidix ee La France Insoumise ayaa dhalleeceysay waxa ay ku tilmaantay “booliska dharka”, maamulka madaxweyne Emmanuel Macron waxa uu mar horeba isku dayay in uu la tartamo Marine Le Pen xisbigeeda National Rally ee midigta fog , ayey tiri.

Hanad Askar – HM