![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/01/EU-hawlgalka-Soomaaliya2021-1080x720.jpg)
Xili dowlada Maraykanka ay bilowday in ciidamadeeda ay kala baxdo dalka Soomaaliya ayey dhinaca kale dalalka Midowga Yurub dib u cusbooneysiiyeen hawlgalada ciidamadooda ku sugan dhulka iyo badda Soomaaliya.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/01/EU-hawlgalka-Soomaaliya2021-2-1080x720.jpg)
Hawlgalada ciidamada EU-da ee ku sugan Soomaaliya ayaa u badan tababarada ay siiyaan ciidamada kala duwan ee dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hawlgalka illaalinta badda Soomaaliya iyo kahortagida kooxaha burcadbadeeda; hawlgalkaasi oo loo yaqaan Atalanta.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/01/EU-hawlgalka-Soomaaliya2021-3.png)
Ciidamada EU-da hawlgaladooda ayaa la sheegay inay sii socon doonaan illaa 31ka bisha December 2022.
Go’aankan ayaa la sheegay inuu la xariiro xoojinta hawlgalada amaanka ee Soomaaliya & Barriga Afrika iyo kaalinta ciidamada EU-da ku leeyihiin gobalka.
Midowga Yurub ayaa go’aankoodan sidoo kale doonaya inay ku cadeeyaan inay sii wadi doonaan taageerada ay dowlada Soomaaliya kasiiyaan dhinaca amniga.
Maxamed Cismaan
Horseed Media