Fadhgii Golaha Shacabka oo buuq iyo fawdo hareysey maanta

Published: July 8, 2023

Xildhbaanada Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka ayaa maanta isugu yimid fadhigoodi, kaas oo uu ka dhashey buuq iyo fawdo, kadib markii la isku khilaafey ajandaha fadhiga.

Ajnadaha ayaa lagu sheegay in uu yahay in wasaaradda amnigu ay hortimaado baarlamaanka, waxaana fadhiga ka soo qaybgalay wasiirka amniga xukuumadda federaalka Dr Doodishe.

Ilaa 30 xildhibaan ayaa soo gudbiyey mooshin sheegaya in ajnadahaasi aanu soo marin sifadii sharciga ahayd, sidaas darteed wasiirka la fasaxo, waxaana xildhibaanadu sugayeen in la horkeeno heshiiskii golaha wadatashiga qaranka oo xukuumaddu soo gudbisey.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa guddi u saarey heshiiskaas ka kooban shan xildhibaan oo keliya taas oo arinta sii cakirtey, loona arkey in Guddoomiye Aadan Madoobe la shaqeynaayo xafiiska Madaxweynaha.

Ugu danbeyn waxaa dib loo celiyey wasiirki amnia, waxaana fadhigu ku dhamaadey buuq iyo jaahwareer.

Horseed Meddia