Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Published: March 27, 2021

Madaxweynaha mudada xilhayntiisu ay dhamaatay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Ismaciil Axmed Ismaaciil oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Madaxweynaha oo tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumku ayaa tilmaamay in uu muddo dheer u soo adeegay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo kaalin mug leh ka soo qaatay aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Janaraal Ismaciil Axmed Ismaaciil waa mid murugo badan. Marxuumku wuxuu u soo adeegayey Qarannimada Soomaaliyeed muddo dheer, waxa uuna qeyb ka ahaa qorshihii aasaaskii Ciidanka Asluubta”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelka, shacabka iyo dowadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *