Gabar Maqnaanshaheeda Lala Xiriiray Ciidamada Villa Somalia oo La Helay

Published: January 21, 2020

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay heleen Amaal Nuur Cusmaan oo ka maqnayd hooyo Amran Xayle.

Amaal Nuur Cusmaan oo ka maqnayd hooyo Amran Xayle.

Taliyaha ayaa sheegay in gabadhaas la helay isla markaana aysan jirin wax dhibaato ah oo loo geystay, waxaana uu sheegay in Amaal ay gacanta ku haayeen Hay’ad Gabdhaha Xanaaneyso oo ka howl gasho magaalada Muqdisho.

Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa sheegay in gabdha ay ku jirto gacan amni ah, waxa uuna sheegay gabdha in ay tahay 18 jir waxa uuna xisay in ciidamada Booliiska Soomaaliyeed la damqanayeen  Xanuunka ay dareemaysay hooyo Amran Xayle.

Ciidanka Booliiska ayaa ka dhabeeyey balanqaadkoodii ahaa in ay dadaal xoogan ku bixin doonaan sidii loo heli haa Amaal Nuur Cusmaan oo ka maqneyd waalidiinteeda.

Hooyada dhashay Amaal ayaa ku eedaysay Saraakiil ka tirsan ciidamada Ilaalada Madaxweynaha Federaalka inay afduubeen gabadheeda oo ay sheegtay inay ka keentay dalka dibadiisa.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *