![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/04/Tuulooyin-Galmudug-KMudug-220422-1.jpg)
Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa maalintii labaad waxay Koonfurta Gobolka Mudug ka wadaan howlgallo lagu baacsanayo argagixisada Al-Shabaab.
Ciidankaan oo kaashanaya ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo kuwo is abaabulay oo dadka deegaanka ah waxay saraakiisha hoggaamineysa Radio Muqdisho u sheegeen in howlgalkaan u jeedkiisu uu yahay sidii nabadiidka Al-Shabaab looga xorayn lahaa dhamaan deegaanada dhaca koonfurta gobolka Mudug.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/04/Tuulooyin-Galmudug-KMudug-220422-2.jpg)
Sidoo kale saraakiishu waxay noo xaqiijiyeen in saacadihii lasoo dhaafay ay ciidanku la wareegeen ugu yaraan 12 tuulo oo ay horay u joogeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda nafla caariga ah ee Al-Shabaab.
Deegaanada ay howlgalkaas ka fuliyeen, isla markaana ay la wareegeen ciidamadu waxaa ka mid ah, Shabeelow, Hareeri-dheere, Cimaamad, Dheghaye, Laas-gacamey iyo degaano kale oo dhowr ah, waxaana weli sii socda howlgalladaan xoreynta ah.