Golaha Amaanka oo ku baaqay hakinta dagaalka Gaza

Published: November 16, 2023

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horeysay ansixiyey qaraar lagu baaqayo hakinta dagaalka Gaza.

Qaraarkan ayaa ahaa iskudaygii 5aad oo Golaha Amaanka uga hadlayo xaalada Gaza, iyadoo horey 4 goor u fashileen dadaalo lagu doonayey xabad joojin.

Mareykanka oo taageera Israel ayaa horey u horjoogsaday Qaraaryadii ay soo diyaariyeen dalal kala duwan sida Brazil iyo Ruushka oo ku baaqayey xabad joojin.

Codbixintii xalay ayaa loo qaaday Qaraarkan oo ay soo diyaarisay dowlada Malta oo xubin hada ka ah Golaha.

Waxaana Qaraarkan si gaar ah diirada loogu saarayey Caruurta Gaza iyo in gargaar lala gaaro shacabka dhibaateysan, isla markaana dagaalka la hakiyo muddo maalmo ah si hay’adaha gargaarka hawshooda u gutaan.

Ruushka oo ku tilmaamay Qaraarkan mid ka gaabinaya xaalada jirta, iyagoo ku baaqay markale “xabad joojin dhameystiran”, arrintaasi oo ay diideen Mareykanka iyo UK.

Kadib codkii loo qaaday Qaraarka Malta ayaa waxaa si buuxda u taageeray 12 xubnood, halka ay ka aamuseen Mareykanka, UK iyo Ruushka.

Waxaanse rajo laga qabin in Israel ay ixtiraamto Qaraarkan oo ah sharci caalami ah.

Israel ayaa marar hore oo badan si toos ah u jabisay Qaraaryada Golaha Amaanka, iyadoona aan wax tilaabo ah laga qaadin.

Waxaa xusid muddan qaraarkan inuu lamid yahay qaraarkii 16kii bishii Oktoober, kaasi oo uu codka Veto ku diiday Mareykanka. Xiligaasi ayey tirada dhimashada shacabka Gaza mareysay 7000.

Horseed Media