Guddiga Abaaraha Qaran Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Muqdisho

Published: March 14, 2021

Guddiga gurmadka abaaraha ee xukuumadda Soomaaliya u xil saartay ka jawaabista xaaladaha abaaraha ayaa sheegay in ay heleen jawaabo wax ku ool ah oo ku aadan wax u qabashada dadka ay saameeyeen abaarahaasi .

Shir jaraa’id oo maanta magaalada Muqdisho ku qabteen guddoomiyaha guddiga ahna wasiirka maaliyadda, wasiirka warfaafinta iyo wasiirka gargaarka Soomaaliya ayay ku sheegeen in hey’ado iyo ururo kale oo caalamiga ah ay diyaar u yihiin ka qeybqaadashada howlaha lagu samatabixinaayo dadka maatida ah

Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa sheegtay in 2.5 milyan oo Soomaali ah heysato dhibaatooyin ka dhashay isbedelka cimilada, abaaraha, fatahaadaha iyo duruufo kale.

Waxay xustay in dowladdu xooga saartay sidii loo yareyn lahaa khataraha ka dhashay dhibaatooyinka is barkaday ee dadka Soomaaliyeed saameeyay.

Guddoomiyaha guddiga ahna wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in hey’ado dhowr ah ka soo jawaabeen baaqii guddiga u direy, hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridda gargaarka aadanaha ee UNOCHA, Bankiga adduunka iyo ururka iskaashiga dalalka Islaamka ee OIC ayaa kamid ah dhinacyada falcelinta ka heleen.

Wasiir Beyle, ayaa carrabka ku adkeeyay in dadka Soomaaliyeed ay tahay in ay ayaga isku tashtaan isla markaana ka faa’ideystaan kheyraadka Alle ku maneystay ee dhulkooda yaala.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Cismaan Abokor Dubbe, ayaa warbaahinta ku booriyay in ay u istaagaan sidii wacyigelinta bulshada loo gaarsiin lahaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *