![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/06/New_Flag_of_Galmudug_State_of_Somalia.svg_-edited.png)
Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa xalay shaaca ka qaaday Jadwalka doorashada kuraas hor leh oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in diiwaan-gelinta Guddiga xulista ergada ay bilaaban doonto 22-ka bisha oo ku beegan maalinta berri oo sabti ah, halka Liiska magacyada Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya Ergada la shaacin doono 24-ka bisha.
Diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya 7 kursi oo kamid ah 21 kursi oo hore Galmudug u soo saartay ayaa bilaaban doonta 25-ka bishaan Janaayo, waxaana doorashada ay kala dhaceysaa 26-ka iyo 27-ka, iyada oo ka dhici doonto Magaalada Dhuusamareeb.
Hoos ka akhriso:
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/01/warqad1-507x720.jpg)
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/01/warqad2-561x720.jpg)
Horseed Media