Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyey sadexda kursi ee lagu dooran doono Gaalkacyo

Published: March 9, 2022

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka Doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in 12ka Bishaan oo ku beegan Sabtida soo socota ay dhaceyso doorashada Saddexda kursi ee kala ah, Hop 038, Hop 069 iyo Kursiga tirsigiisu yahay Hop 095.

Gudigga hirgalinta Doorashooyinka  Galmudug ayaa la filayaa in uu dhawaan soo geba-gabeeyo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Galmudug ka hor inta aan la gaarin 15-ka Bishaan oo ah wakhtiga lagu balamay in la soo geba-gabeeyo guud ahaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *