Guddoomiyaha Banaadir oo dhalinyarada ugu baaqay ka qeyb qaadashada la dagaalanka Maandooriyaha

Published: February 7, 2022

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay doorka ay dhallinyarada ku lee yihiin ololaha ciribtirka Maandooriyaha.

Munaasabadan oo ka dhacday xarunta aqalka Dowlada hoose ee Xamar ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal dhallinyara ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo goobta lagu soo bandhigay Muuqaalo ka turjumayay howlgalda ay ciidanka Boliiska ka fuliyeen Caasimadda kaas oo lagu soo qabtay Daraagis kala duwan iyo dadkii ka ganacsanayay ololahaas oo si xoogan haatan uga socda degmooyinka Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo munaasabada ka hadlay ayaa tilmaamay in dhallinyarada Caasimadda ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo xasiloonida magaalada islamarkaana ay muhiim tahay ka qeyb qaadashada la dagaalanka Muqaadaraadka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *