Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay in Al-Shabaab hor leh u gudbeen DDS

Published: July 25, 2022
Shares830

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ka hadlay warar sheegaya in malayshiyaad katirsan Al-Shabaab ay ka gudbeen soohdinta gobolka Hiiraan uu la wadaago Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in dad kala duwan arrintaas u xaqiijiyeen.

Guddoomiye Cali Jeyte waxa uu tilmaamay in ku dhawaad 200 oo malayshiyaad ah oo katirsan Al-Shabaab ay ka gudbeen Gobolka Hiiraan iyaga oo u tallaabay Dowlad-Deegaanka Soomaalida sidaasina ay ka xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Sidoo kale Jeyte si dhab ah uma sheegin faah-faahin ka baxsan in ay xuduudda ka tallaabeen Al-Shabaab sida deegaannada ay ku sugan yihiin iyo haddii ay uga sii gudbeen deegaanno kale oo katirsan Dowlad-Deegaanka Soomaalida.

Weli war arrintaan la xiriira kama soo bixin Dowlad-Deegaanka Soomaalida & Al-Shabaab waxaase socda dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan labada dhinac oo ku dagaalamaya Deegaannada Dowlad-Deegaankaas uu la wadaago Gobollada Bakool & Hiiraan.

Ciidaamada Dowaldda Deegaanka Soomaalida ayaa ku guuleystey in ay araxda ka jebiyaan boqolaal malayshiyaad ah oo gobolka Bakool ka soo talaabey kuwaas oo galay gobolka Afdheer, qorshaha Al-shabaab ayaa lagu sheegay war ka soo baxay DDS in ay galaan gobolka Oromiya sidii ay uga mid noqon lahaayeen jamhadda Shene.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *