Guddoomiyayaal degmooyinka Xamar oo xilalka laga xayuubiyey

Published: August 12, 2021

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday Afar gudoomiye Degmo oo katirsan gobolka Banaadir.

Guddoomiyaasha xilka laga qaaday ayaa waxaa kamid ah:

1- Guddoomiyaha degmada (Xamar Weyne) Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir.

2- Guddoomiyaha (Kaaraan) Abshir Kaaraan.

3- Guddoomiyaha degmada (Waabari) Cabdicasiis Cismaan Jaamac.

4- Guddoomiyaha degmada (Hiliwaa) Cabdixakiin Cumar Cabdulle, Waxaana xilka guddoomiyaha degmadaas loo magacaabay Mire Salaad Dhuxulow.

Xil-ka-qaadistan ayaa kusoo beegmatay xili muddooyinkii lasoo dhaafay uu murran xoogan ka dhex taagnaa maamulka gobalka Banaadir kaasi oo salka ku hayey dakhliga dowladaha hoose, maamulka amniga iyo mashaariicda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *