Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cismaan Patrool oo Badhan ku geeriyooday

Published: May 23, 2023
Shares62

Alle ha unaxariisto Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland marxmuum Cismaan Dalmar Yuusuf Xaaji (Cismaan Patrool) oo ku geeriyooday degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

Marxuumka ayaa muddo dhowr sano ah u jiifa xanuun soo ritay, iyadoo dhowaan isbitaalka ku booqday Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Masuuliyiin uu ka mid yahya Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Cismaan Dalmar Yuusuf Xaaji.

“Waxaan si gaar ah uga tacsiyadeynayaa qoskii iyo eheladii marxuumka, sidoo kalena waxaan Eebbe uga baryayaa inuu janadiisa fardowso ka waraabiyo” ayuu yiri Gudoomiye Cabdirashiid.

Horseed Media