Guusha Garsoore Abdiqawi ee loo doortay Madaxweynaha Maxkamada Caalamiga

Published: February 7, 2018

Garsoore Abdiqawi Yusuf oo horey uga tirsanaa 15ka garsoore ee maxkamada Caalamiga ah ee dunnida ugu sareysa ayaa shalay loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maxkamada sadexda sano ee soo socota.

Garsoore Abdiqawi ayaa tan iyo bishii Feberaayo ee 2015 soo ahaa Madaxweyne kuxigeenka Maxkamada. Garsoorahan Soomaaliyeed oo matalaya dalka Soomaaliya ayaa noqday sanadkii 2009, sharciyaqaankii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo uu Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay u doortay inuu kamid noqdo 15ka xaakim ee maxkamada Dunnida.

Abdiqawi oo ku dhashay magaalada Eyl ee Nugaal, Puntland ayaa sanadkii lasoo dhaafay 2017 sidoo kale markii labaad ku guuleystay doorashada Madaxweyne kuxigeenka ugu dabeyna shalay ku guuleystay inuu qabto xilka ugu sareeya ee maxkamada.

Wuxuu Abdiqawi kamid yahay aasasayaasha hay`ada African Foundation for International Law. Waana qoraa wax badan ka qoray arrimaha Sharuucda Caalamiga ah.

Maxkamada Dunnida ayaa la dhisay sanadkii 1945 kadib dagaalkii labaad ee dunnida, waxaana loogu talo galay inay noqoto maxkamada ugu sareysa caalamka oo ay dacwooyinkooda horgeeyaan Wadamada ay xurgufta ka dhaxeyso, si loo xakameeyo dagaalada caalamiga ah ama u dhaxeeya wadamada jaarka ah.

Doorashada Garsoore Abdiqawi ayaa kusoo beegmaysa xili maxkamadaasi ay hortaal dacwada u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo la xariirta dhanka xaduuda labada dal ee badweynta Hindiya.

Dowlada Kenya oo dooda ka keentay dacwada ay soo gudbisay dowlada Soomaaliya ayaa sanadkii tagay codsatay in maxkamada aysan dacwadaasi furin oo loo daayo labada dal dhexdooda ka heshiiyaan, balse maxkamada Caalamiga ah ayaa sanadkii tagay diiday dooda Kenya isla markaana sheegtay inay bilaabi doonto dhageysiga dacwada wadanka Soomaaliya soo gudbiyey.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *