Hay’adda Duulista Rayidka oo sheegtay in weli dalka uu mamnuuc ka yahay Qaadka Kenya

Published: May 9, 2021

Hay’adda Duulista Rayidka ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weli dalka uu mamnuuc ka yahay keenista qaadka horey uga imaan jiray dalka Kenya, xilli dib la soo celiyey xiriirkii diblomaasiyadeed ee wadamada Kenya iyo Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka ayaa lagu war-geliyey dhammaan shirkadaha diyaaradaha Soomaalida in keenista qaadka Miraa ay mamnuuc ka tahay dalka, islamarkaana aysan waxba iska beddelin siyaasadda dowladda ee ku aadan in qaadka Mirooga laga soo dajiyo garoomada diyaaradaha Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sheegtay in sharci darro iyo xadgudub ka dhan ah hawada loo arki doono qaadka la keeno Soomaaliya iyadoo aan ogolaansho laga haysan Hay’adda Duulista Rayidka.

Arintan ayaa imaanaysa iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan shaacisay in ay soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Kenya, lamana oga sida ay Kenya uga falcelin doonto go’aankan kasoo baxay Hay’adda duulista Rayidka ee Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *