Heshiiskii muranka badan ka taagnaa oo loo gudbiyey guddiga dib-u-eegista dastuurka

Published: July 15, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa waxay Guddiga dib u eegista, la-socodka iyo hirgelinta Dastuurka ku wareejiyeen nuqulada heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Guddoonka labada aqal ayaa Guddiga waxay kula dardaarmeen in ay luuqad dastuur kuso qoraan heshiiskan isla markaana horkeenaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana guddiga ay guddoomeen nuqulada heshiiskii Madasha Wada-tashiga Qaran.

Dowladda Federaalka ayaan soo bandhgin talooyinkii ka soo baxay shirkii labada maalmood u socdey iyaga iyo madaxdii hore ee dalka qaarkood, waxaana maanta saxaafaddu heshey nuqulka talooyinkii loo gudbiyey.

In aan baarlamaanka la horgeyn heshiiska GWQ ee loo gudbiyo guddiga dib-u-eegista dastuurka waxay ka timid doontitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii la ogaadey in xildhibaanadu ka soo qaadayaan heshiiskaas waxba kama jiraan.

Arrintan ayaa imaanaysa maalin kadib markii uu Muqdisho ka dhacay shir wadatshi oo ay ka qaybgaleen siyaasiyiin hore ee dalka ka soo talisey ee ka horyimid heshiiskaas iyo madaxda qaranka ee hadda, tallaabadan ayaa u muuqata mid aan cidna loo joojineyn.

Heshiiska Golaha wadatashiga qaranka oo si weyn u taabanaayey masirka dalka waxaa ka maqan Puntland oo aan ka qayb-gelin shirkii 27 May 2023.

Horseed Media