Hindiya oo u sheegtay Kanada inay la baxdo 41 dublamaasiyiin sababo la xiriira xiisada dilkii Sikh

Published: October 3, 2023

Hindiya ayaa u sheegtay Canada inay waajib ku tahay inay dib u ceshato 41 dublamaasiyiinteeda dalkaasi marka la gaaro 10ka Oktoobar, sida uu sheegay wargeyska Financial Times.

Xidhiidhka u dhexeeya Hindiya iyo Kanada ayaa sii xumaaday tuhunka Kanada ee ah in sirdoonka dawladda Hindiya ay door ku lahaayeen dilkii bishii Juun ka dhacay gobalka Columbia ee dalka Kanada, oo lagu dilay hoggaamiyihii gooni u goosadka Sikh oo sidoo kale ahaa muwaadin reer Kanada.

Dilka Hardeep Singh Nijjar ayaa lagu eedeenayaa dowlada India, oo horey ninkaasi u aqoonsatay inuu yahay “argagixiso”, ninkaasi ayaa u ololeyn jiray dhismaha dowlada Khalistan, oo ah dawlad madaxbanaan oo ay leeyihiin dadka heysta diinta Sikha ee ku nool India.

Dowlada Kanada ayaa dhawaan sheegtay in baaritaanka dilkan uu muujinayo in dowlada Hindiya ka danbeyso arrintaasi oo si weyn uga careysiisay xukuumada New Dehli.

Wadanka Kanada ayey diblumaasiyiinta ka jooga India ay gaarayaan 62 diblumaasi, codsiga Hindiya ah in la saaro 41 diblumaasi ayaa ah mid si weyn hoos loogu dhigayo xiriirka ka dhaxeeya labada dowladooda.

Horseed Media