Hirshabelle oo shaacisay jadwalka 3 kursi oo ka mid ah Golaha shacabka

Published: April 28, 2022

Guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Hirshabelle ayaa shaacisay in maalinimada beri oo taariikhdu tahay 29-ka bishan la shaacinayo Guddiyada soo xulayo ergada kuraastii u danbeysay ee Maamulkaasi.

Kuraasta ku haray Hirshabelle oo ka kooban saddex ayaa kala ah: HOP#141, HOP#146 iyo HOP#135.

No photo description available.

Qoraalka ka soo baxay SEIT HirShabelle ayaa sidoo kale lagu sheegay in maalininada Sabtida oo 30-ka bishan ay tahay la qaban doono doorashada saddexdaasi kursi oo ka dhici doonta magaalada Jowhar.

HOP#146 waxaa shantii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay wasiirka amniga C/llaahi Maxamed Nuur, balse Afarta sano ee soo socoto waxaa loo saadaalinayaa inuu ku soo baxo Shariif Sheekh Axmed oo kamida musharixiita u taagan xilka madaxweynaha dalka.

HOP#141 waxaa isaguna ku fadhiyay Wasiirkii hore amniga Maxamed Isloow Ducaale, mar kale ayuu sharaxan yahay, iyadoo sanadkan uu wajahayo loolan adag, iyadoo Hirshabelle ay kursigaasi furtay oo si xor ah loogu tartami doono.

HOP#135 waxaa Shantii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay Aamina Maxamed Cabdi oo dhawaan lagu dilay qarax lagula eegtay Beledweyn, xili ay isu diyaarineysay tartanka, qoyskeeda ayaa laga yaabaa in loo xiro kursigan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *