Horjoogayaal Alshabaab ah oo Lagu dilay Dagaal Ka Dhacay Jannaale

Published: June 21, 2020

Taliyaha ciidanka dhulka dowladda federaalka Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay in dagaalkaasi maleeshiyaadka Al-shabaab looga dilay 2-horjooge iyo 27- maleeshiyaad ah,  kuwaasi oo uu sheegay in illaa iyo hadda meydadkoodu yaalaan  tuulada Dug-wariiri oo uu dagaalku ka dhacay.

Ciidanka milateriga federaalka ayaa weerar culus ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab  oo ku sugnaa tuulada Dug-wariiri oo hoostagta deegaanka Jannaale ee gobolka shabeellaha hoose, halkaas oo ay khasaare xoogan ku gaarsiiyeen kaddib markii argagaixisadu ay hoobiyayaal ku soo tureen deegaano ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo hoostaga Jannaale.

Jeneraal Cabdixamiid wuxuu sheegay in ciidanka milaterigu habeen iyo maalin uu u taaganyahay sidii dalka oo dhan looga sifeeynlahaa maleeshiyaadka Alshabaab oo uu sheegay inay dhibaatooyiin u geystaan shacabka Soomaaliyeed meelaha ay ku suganyihiin.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *