Iibka Xarunta Baarlamaanka Puntland ma loo mari doonaa si waafqsan Dastuurka?

Published: July 14, 2020

Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa soo bandhigey in ay iibinayaan xaruntoodi Baarlamaanka ee magaalada Garoowe.

Qorshaha iibinta dhismaha Baarlamaanka ayaa waxaa soo jeediyey shirguddoonka baarlamaanka, waxaana ay ku sababeeyeen in aanu ka tarjumeyn shaqooyinka ballaaran ee Xildhibaanada sugaya iyo halka uu ku yaalo oo noqotey goobo ganacsi.

Lama sheegin halka xarunta cusub ee baarlamaanka laga dhisaayo, goorta iibku dhacayo, iyo halka Baarlamaanku ku sii shaqeyn doono.

Dastuurka Puntland ayaa qaba in hantida Ummadda ka dhxaysa la iibin karo, qodobka 52aad ee dastuurka ayaana ka hadlaya, laakiin farqadiisa afaraad ayaa dhigeysa.

4. Gadidda hantida dawladda waxaa loo marayaa habka tartanka xaraashka furan.

Waxaa la is weydiinayaa fgoorta tartan iyo xaraashka furan la soo bandhigi doono iyo in ay noqon doonto mid si hoose looga iibiyo shirkado iyo dad gaar ah oo hoos la iska fahmey.

Waxaa horey loo iibiyey Xaruntii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, waxaana iibsatey shirkadda Dahabshiil oo ka dhistey mid kamid ah gurayaha ugu bilicsan caasimadda Puntland uguna dheer.

Xarumaha Dowladda Puntland ayaa badankood ay ka dhisan yahay galbeedka magaalada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *